Firdhiye oo Muqdisho tagay+ SAWIRRO

73

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa galabta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho

Wasiiro ka tirsan Xukuumada federaalka Somalia, Mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Hogaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa imaatinkiisa magaalada Muqdisho uga qayb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ku casuumay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, shirkaas oo lagu wado Villa Soomaaliya ka furmo shanta bishaan May ee 2025.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Axmed Aw-Cali, ayaa inta uusan ka soo ambabixin Laascaanood maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 3aad ee Golaha Baarlamanka Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyuhu wuxuu kalfadhiga ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo ku aaddan marxaladda cusub ee siyaasadeed iyo maamul ee SSC-Khaatumo.

Kalfadhigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey tan iyo markii si rasmi ah loo aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay dawlad goboleed dhammaystiran oo ka tirsan Federaalka Soomaaliya.

Khudbadda Hoggaamiyaha ayaa si qoto dheer u taabanaysay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadda, oo ay ka mid yihiin: sugidda amniga, xoojinta midnimada, horumarinta adeegyada bulshada, iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah.