Gabadha madaxwaynaha ka ah Tanzania oo xilal sare u Magacowday xubno k tirsan qoyskeeda

49

Tansaaniya waxaa ka billowday dood ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalkaas uu aaday, kadib markii madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay gabadheeda Wanu Hafidh Ameir u magacaawday wasiir-ku-xigeenka waxbarashada, halka seyga gabadhan oo madaxweynaha ay soddohda u tahay Mohamed Mchengerwa uu noqday wasiirka Caafimaadka.

Wanu, waxay horey u ahayd Xildhibaan metala is maamulka jasiiradaha badan ee Zanzibar, waxayna siyaasadda waqti horaba tan iyo 2016 ku dhex lahayd awood , iyadoo hadda ku socota waddada ay hooyadeed xukunka kula wareegtay, halka seygeeda Mohamed Mchengerwa, uu horey ahaa wasiiru dawlaha madaxtooyadda oo awood leh, kaasoo la aaminsanyahay inuu wax ka qaabeeyay dib u doorashada madaxweynaha iyo hannaankii awoodda u dhisnaa ee xukunka ay qoyskan u sii heysteen. Waxayna taageerrayaashooda ku sheegayaan inay khibrad u leeyihiin siyaasadda, halka mucaaradka ay u arkaan xukunka gacanta halka qoys ku dhacaya inay bilow u tahay waayaha mugdiga uu ka buuxo ee Tansaaniya ay wajahayso.

Madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Samia Suluhu Hassan waxay siyaasadda kusoo gashay iyada oo ka bilowday is maamulka Zanzibar, waxay noqotay xildhibaan, wasiir, kadibna madaxweyne-ku-xigeen. Markii madaxweynihii hore John Magufuli uu geeriyooday 2021, iyada ayaa si sharci ah xilka ula wareegtay, maaddama ay ahayd Madaxweyne ku-xigeen , marka oo ay aragtay sida awoodda madaxweynaha ay tahay, waxaa loo arkayay hoggaamiye isbeddel oo siyaasad furfuran iyo dimuqraadiyad ka hirgelin karta Tansaaniya , waxayna taageerrayaal badan ku heshay tallaabooyinkii u horreeyay ee ay ku dhaqaaqday oo ay ka mid ahaayeen inay xabsiyada ka sii deysay dadkii ku xirnaa eedeymo siyaasadeed , balse sanadihii xigay, Samia waxay wajahday eedeymo muujinaya in dalka uu si tartiib ah ugu leexanayo hannaankii siyaasadeed ee loo arkayay mid furfuran, waxayna qaaday jiho ah in awoodda siyaasadda lagu soo aruuriyo hal xisbi iyo qoyskeeda!

Doorashadii ugu dambeysay ayaa ahayd tii ugu muranka badneyd ee Tansaaniya ka dhacda tan iyo 1995.Mucaarad badan ayaa laga reebay tartanka, mudaharaadyo ayaa rabshado isu beddelay, waxaana jiray tiro dhimasho badan oo aan weli si rasmi ah loo cayimin.

Taasi waxay dhaawacday kalsoonida dadweynaha, kuwaas oo maanta arka magacaabista gabadha madaxweynaha iyo seygeeda mid xaqiijinaysa in xukunka Samia uu xuubsiibanayo kaligii-talis lagu wado qaab qoys.

Dhaqanka dadka Tansaaniya oo caadiyan aad ugu adkaada sinaanta iyo ka fogaanshaha qabiil ama qoys-maamul, ayaa ka falceliyey arrintan iyagoo u arka digniin ah in Tansaaniya ku socoto jidkii ay hore u mareen hoggaamiyeyaal kale oo xukunka muddo haystay, inkastoo Tansaaniya aanay weligeed lahayn kaligii-talis muuqda sida Uganda.

Si kastaba ha ahaatee, nidaamka hal xisbi oo xooggan oo ay aasaaseen hogaamiyayaashii hore sida Nyerere, iyo Kikwete iyo Magufuli xilliyo dambe ayaa dhigayay Tansaaniya in madaxweynaha haysta xukunka uu helo awood ballaaran oo aan si sahlan loola xisaabtami karin.

 

Fallanqeeyaasha siyaasadda ee gobolka waxay ku tilmaamayaan Samia inay qaadeyso jidkii ugu adkaa ee Tansaaniya abid marto ,gaar ahaan markii la isku daro doorasho muran dhalisay, caburinta mucaaradka, iyo magacaabista xubnaha qoyskeeda ee wasaarado muhiim ah.

Marka la eego mustaqbalka dhow, waxaa jira dhowr filasho:

In awoodda xisbiga talada haya ee CCM ay sii xoogeysato, mucaaradkuna ka sii yaraanayo saaxadda siyaasadda.
In Tansaaniya, oo markii hore loo arki jiray tusaalaha xasilloonida Bariga Afrika, ay geli karto marxalad cusub oo siyaasaddeedu adkaato in dibadda iyo gudaha labadaba la saadaaliyo.
In tallaabadan qoyska loogu soo daray dawladda ay noqoto calaamad muujinaysa in Samia ay raadineyso xukun muddo dheer oo salka ku haya taageerada qoyska iyo xisbiga, halkii ay ka ahayd hoggaamiye dimoqraadiyad furfuran leh.