Ganacsade can ah oo lagu dilay Guriceel

39

Nin hubeysan ayaa xalay maqribkii ku dilay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa ganacsatada magaaladaas.

Marxuum Deeq Cabdi Jaamac ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray rasaas lagu furay xili uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi meel ku dhow.

Ninka dilka geystay ayaa baxsaday hase ahaatee ciidamada Booliska degmadaas oo sameeyey howlgal balaaran ayey ugu dambeyn ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan ninka oo haatan ku xiran saldhiga degmadaas.

Dilkan oo si weyn looga hadal hayo degmada Guriceel iyo nawaaxigeeda ayaa loo badinayaa inuu la xiriiro aano qabiil oo u dhexeysa labo beelood oo gobolkaas wada dega.