
Garsoore Cumar C/qaadir Cartan ayaa maanta gaaray Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib casuumaad uu ka helay xiriirka kubada cagta deegaankaasi iyo maamulka Dowlad deegaanka.
Madax,shacab iyo Xiriirka kubada cagta ayaa si weyn u so dhaweeay garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami Cumar Cartan iyagoona kaga hor tagay garoonka diyaaradaha Jigjiga ,kooxaha fanka ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta Garsooraha,
Cumar C/qaatar Cartan oo ah Garsoore ama albiitari heer caalami ayaa lagu casuumay ama lagu sharfay inuu dhex dhexaadiyo kulanka fiinaalka ciyaaraha Gobolada Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.





















