
Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa goordhow kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay, kadib markii laga soo celiyay dalka Mareykanka xilli uu u safrayay ka qeyb-galka ciyaaraha Koobka Adduunka.
Cartan waxaa garoonka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, garsoorayaal, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Muuqaallo si weyn ugu baahay baraha bulshada ayaa muujinayay Garsoore Cartan oo gacan qaadaya boqolaal qof oo saf ugu jiray soo dhaweyntiisa, kuwaas oo muujinayay taageero iyo garab istaag ay la garab taagan yihiin xilligan adag.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in galabta munaasabad ballaaran loogu qabto Muqdisho Stadium, halkaas oo ay isugu iman doonaan madax, ciyaartooy iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka xumaaday sida loola dhaqmay garsooraha Soomaaliyeed.
Soo laabashada Cartan ayaa timid kadib markii loo diiday inuu galo Mareykanka, inkastoo loo doortay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaaraha Koobka Adduunka ee FIFA. Cartan ayaa weli ah garsooraha keliya ee Soomaaliyeed ee taariikhda loo xushay inuu ka qeyb qaato tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka.
Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo la filayay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee garsoore ka noqda final-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska garsoorayaasha, kadib markii loo diiday inuu gudaha u galo Mareykanka isagoo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Miami.
Illaa iyo hadda, wax faahfaahin rasmi ah lagama bixin sababta dib loogu celiyay Cartan. Hase yeeshee, Soomaaliya waxay ka mid tahay dalal dhowr ah oo ku jira xayiraadaha socdaalka ee uu soo rogay maamulka madaxweyne Donald Trump.





















