Garsoore Omar Abdulkadir Artan oo lagu daray garsoorayaasha Koobka Adduunka ee U-20 2025

51

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Omar Abdulkadir Artan, ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo 18-ka garsoore ee rasmiga ah ee ka qeyb geli doona Koobka Adduunka ee FIFA U-20 2025, kaasoo lagu qaban doono dalka Chile.

Cartan, oo sidoo kale garsoore ka ahaa final-kii CAF Champions League 2024/2025, ayaa noqday mid ka mid ah lixda garsoore ee Afrika laga xushay. Waxaa sidoo kale garsoore kaaliye ahaan loo doortay Gilbert Cheruiyot oo ka socda dalka Kenya.

Guddiga garsoorayaasha FIFA ayaa ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee ka kooban 18 garsoore, 36 garsoore kaaliye iyo qeybta Football Video Support (FVS) ee loo adeegsan doono tartanka, kaasoo dhici doona inta u dhaxaysa Sebtembar 27 ilaa Oktoobar 19, 2025.

Garsoore Cartan, oo sanadkii 2018 lagu daray liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA, ayaa si degdeg ah uga baxay heerarka gudaha una gudbay kuwa caalamiga ah.

Waxa uu horey u garsooray tartanka AFCON 2024, isagoo noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee dhexdhexaadiya koobka Qaramada Afrika.