Gen. Odowaa oo xilka laga qaaday.

74

 

Golaha Wasiirrad Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa goordhow ka xilkii qaaday Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, iyada oo taliska loo magacaabay sarkaal kale oo dhalinyaro ah.

waxaa xilka Taliyaha Xoogga dalka loo magacaabay Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud oo sarkaal da’yar ah oo kamid ah Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ibraahim ayaa hadda haystay qeybta taakulada ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana sarkaal tababar sare kusoo qaatay dalka Turkiga

Dhankiisa Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa isaguna xilkan loo magacaabay labo jeer oo hore oo kala ahayd 2019 iyo 10 November 2024.

Isbeddalkan ayaa yimid, kadib soo jeedin ka timid dhinaca Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taas oo ay ansixiyeen golaha wasiirradu.

Golaha wasiirrada ayaa u mahad-celiyay Odowaa oo soo shaqeeyay, iyaga oo sidoo kale taliyaha cusub la faray inuu la yimaado dardar shaqo oo ku aadan ciidamada iyo xoojinta howlgallada xoreynta ee haatan ka socda dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in isbeddalka uu sii socon doono, isla markaana uu gaari doono ku xigeenada taliska ilaa abaanduulka Ciidanka Xoogga Dalka.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla markaana dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus, sidoo kalena dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada oo laga xoreeyay dhul ballaaran.