Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Magaalada Kismayo ayaa sheegaya in mucaaradku ay hogaan cusub u sameyeen Isbahaysiga ay ku mideysan yihiin ee Golaha Mustaqbalka waxaana la doortay Gudoomiye iyo ku xigeen iyo Xog-haye.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa loo doortay Gudoomiyaha Golaha Mustaqbalka halka ku xigeen loo doortay Axmed Madoobe,sidoo kale Maxamed Dhabancad ayaa loo doortay Xoghayaha Isbahaysiga Golaha Mustaqbalka.
Sidoo kale Xubnajha Golaha ayaa loo doortay lix ruux kuwaasoo kala ah:-
1- Siciid Deni Madaxweynaha Maamulka Punland.
2- Ra’iisul Wasaare hore Xassan Cali Kheyre
3- Ra’iisulwasaare hore Maxamed Xuseen Rooble
4- Xildhibaan C/raxman C/shukuur oo ah Hawiye, Habar-gidir.
5-Ra’iisulwasaare hore Saacid Shirdoon
6-Maxamed Aadan Koofi
Marka la eego Beel ahaan siyaasiyiinta qeybsaday hogaanka iyo xubnaha Golaha Mustqablka dhamantood oo waa Hawiye iyo Doorood mana jirto mid ka mid ah beelaha kale sida Dir ,Digil iyo Mirifle iyo Beelaha 5-aad oo xitaa xubin ka noqday Isbahaysiga.
Gudoomiyaha Sheekh Shariif waa Hawiye Abgaal, ku xigeenkiisa Axmed Madoobe waa Daarood Ogaadeen,Xog-hayaha waa daarood Majeerteen halka 6-da xubnood 4 hawiye yihiin halka 2 kalana ay yihiin Daarood.




















