Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Ku Baaqay Gogol Wada-Tashi Qaran, Kana Horyimid Wax-ka-Beddelka Dastuurka

64

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shirweyinihii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda golaha, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, siyaasiyiin, iyo waxgarad ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirweynaha oo loogu magac daray “Difaaca Dastuurka” ayaa looga dooday muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ku gadaaman doorashooyinkooda iyo saamaynta taban ee arrimahaasi ku leeyihiin in dalku si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka siyaasadeed.

Sidoo kale, shirka ayaa looga hadlay abaaraha ba’an ee dalka ka jira, kuwaas oo saamayn xooggan ku yeeshay dad iyo duunyo intaba.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirweynaha mucaaradka, ayuu Golaha Mustaqbalka uga dhawaaqay inay fidinayaan gogol dalka looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah marka la gaaro 14-ka April 2026.

Shirweynuhu wuxuu cambaareeyay wax-ka-beddelka hal-dhinaca ah sharci darradana ah ee lagu sameeyey Dastuurka, wuxuuna madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan tallaabooyinkaas, ayna ogaadaan in lagula xisaabtami doono.

“Dastuurku waa heshiis bulsho iyo xarigga isku haya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, uuna yahay aasaaska dowladnimada,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Waxa uu shirweynuhu si adag uga horyimid in wax-ka-beddel kasta oo aan sharciga loo marin, isla markaana aysan u dhamayn dowlad-goboleedyada iyo saamilayda kale ee siyaasada, wadatashi wax ku ool ahna lagala yeelan dadweynaha uu wiiqayo ujeedkii dastuurka loo sameeyey.

“Waa in doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-dhaafka ah si degdeg ah loo qabto, iyadoo la raacayo Dastuuradooda iyo mabaadi’da Dastuurka Federaalka ee kala soocaya awoodaha labada heer ee dowladeed.”

Bayaanka ayaa si cad loogu sheegay in qorshayaasha guracan dowladda oo ugu horreeyo dastuurka ay abuurayaan cawaaqib hor leh oo qalalaase iyo jahawareer ku keena nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada qaranka.

Ugu dambeyntiina, Shirweynuhu wuxuu ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran: