Guddiga Doorashooyinka oo Shaqo Joojin ku Sameeyay Mas’uuliyiin

16

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaqo joojin ku sameeyay Madaxii Xafiiskooda Koofur Galbeed, Cabdifitaax Cabdullaahi Maxamed.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli isbeddel maamul uu ka dhacay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, iyadoo sidoo kale lagu wado in bishan ay ka dhacdo doorasho dadweyne oo isku sidkan.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa shaqo joojinta, hase yeeshee arrintan ayaa imaneysa iyadoo ay jirto dareen siyaasadeed oo sare iyo diyaar garow xooggan oo loogu jiro doorashooyinka soo socda.

Waxaa la filayaa in guddigu ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan go’aankan saacadaha ama maalmaha soo socda.