Guddoomiyaha golaha wakiillada Koofur Galbeed oo la doortay.

19

Mahad Mohamed Sheikh Hassan ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee South West State of Somalia, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Baidoa.

Natiijada doorashada oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiillada ayaa muujisay in Mahad Maxamed Sheekh Xasan uu helay 70 cod, halka musharraxii la tartamayay, Abdihakim Faqi, uu helay 25 cod.

Doorashadan ayaa lagu soo gabagabeeyay jawi deggan, iyadoo xubnaha baarlamaanka Koonfur Galbeed ay cod aqlabiyad leh ku doorteen guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada.

Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa beddelaya guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa inuu hoggaamiyo howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka xukuumadda maamulka muddada soo socota.