Guddoonka barlamanka HirShabelle oo lagu kala baxay

8

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle waxaa ka dhacday doorashada Gudoonka Baarlamanka ama Golaha Wakuiilada Maamulkaasi iyadoona la doortay Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

CabdiXakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa mar kale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoo helay 77 cod,CabdiXakiin Luqmaan ayaa hore isla kursigaan ku fadhiyay wuxuuna ku guuleystay in mar kale Caawa loo doorto xilkaasi.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Wakiilada Hirshabelle waxay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golahaasi u doorteen C/raxmaan Cabdi Iidoow isagoo helay 98 cod.

Sidoo kale Jaamac Cali Maxamuud ayaa isna loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka ama Golaha Wakiilada Hirshabeelle, isagoo ku guuleystay 97 cod oo gacan-taag ah.