Gudoomiyaha Xisbiga KAAH ee Somaliland oo sheegay in laweeydiiyay E-Visa

45

Mid ka mid ah Siyaasiyiinta ugu caansan mucaaradka Maamulka Somaliland islamarkaana ah Gudoomiye ka ah Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee KAAH Maxanuud Xaashi Cabdi ayaa si rasmi ah u qirtay dhibaatada maamulka Somaliland ka heysta amarka Dowlada Somalia ay ku soo rogtay Viisaha Somalia marka la dalbanayo kaasoo ah in Dowlada Somalia loo soo maro hab Online ah E-Visa.

Gudoomiye Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in isaga laftigiisa lagu xanibay Magaalada Dubai ee Xarunta Dalka Imaaraadka isagoo si caro leh madaxda maamulka Somaliland uga codsaday inay wax ka qabtaan dhibaatadaasi heysata dadka somaliland.

“Madaxda Maanta na hogaamineysa xujaan uga dhigeynaa bal inay si degdeg ah wax uga qabtaan dhibaatada soo korortay”ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Kaah Mr. Maxamuud Xaashi