Haweeney gabar yar oo agoon Iyo Rajay ah ku dishay Wasqooyiga Gaalkacyo oo la qabtay

81
created by InCollage

Booliska Puntland, gaar ahaan taliska qaybta gobolka Mudug ayaa sheegay in uu soo qabtay haweeney lagu eedeeyay in ay gabar yar ku dishay magaalada Gaalkacyo.

Booliska ayaa tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen eedeysane Hodan Maxamuud Diiriye oo lagu eedeynayo in ay dishay marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ahayd.

“Ciidanka booliska Puntland, gaar ahaan taliska qeybta gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah, taasoo lagu eedeeyay in ay dishay Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ahayd”.ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay booliska Puntland.

“Eedeysanadda ayaa haatan ku jirta gacanta ciidanka booliska, waxaana lagu wadaa baaritaan hordhac ah, kaddib marka baaritaanku soo dhamaado, eedeysanadda ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa la raaciyay war-saxaafadeedka.

Dilka gabadha yar ayaa sababay kacdoon ay saacadihii la soo dhaafay sameeyeen haweenka magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo codsanayay in ay caddaalad hesho marxuumada la dilay.