
Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka iyo xubno ka tirsan wasiiradda Soomaaliya.
Socdaalkan waxaa wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah safarka Baydhaba, oo inta badan ay ka soo qayb galeen madaxda dalka. Muuqaal uu baahiyay safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa ka muuqda Jibriil, agaasime ku xigeenka madaxtooyada, iyo xubno kale oo safarka la socday.
Safarkan ayaa yimid saacado kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu soo saaray digreeto uu ku magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji hoggaamiye kumeel gaar ah oo u noqonaya maamulka Koonfur Galbeed. Digreetada oo warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir, ayaa xaqiijisay in Jibriil uu beddelayo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo horey awood ciidan loogu wareejiyay xukunka.
Isbeddelkan ayaa sidoo kale kusoo beegmay saacado kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya kuwa mucaaradka taageersan ee la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed, ay Isniintii awood milatari kula wareegeen magaalada Baydhabo. Dowladda Federaalka ayaa hadda u diyaar-garowday sidii Koonfur Galbeed looga qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo ah mid ay qorsheysay Lafta-gareen, isla markaana ay si xooggan uga soo horjeedaan mucaaradka.





















