
Hooyo iyo afar Caruur ah oo ay dhashay ayaa lagu gubay gurigeeda oo ku yaalla Tuulo hoostagta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo bulshada Soomaaliyeed argagax ku abuurtay.
Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa dab qabad siiyey aqalka ay ku jireen Hooyada iyo ubadkeeda, sababo la xiriira aanno qabiil, waxana falkani oo ah mid arxan darro ah uu cadeynayaa heerka colaada qabyaaladda ay Soomaalidu la mareyso.
Labo maleeshiyo beeleed ayaa maalmahan ku dagaalamayey degaano hoos taga degmada Wanleweyn, waxaana dagaalkaas oo weli aan xal loo helin ku dhintay dad fara badan.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii isla degaanadaas ay maleeshiyo beeleed ay nolosha ku gubeen nin dhimirka looga jiray oo da’ ahaa sababo la xiriira aano qabiil.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa ku baaqaya in loo istaago daminta colaada ka oogan Shabeelaha Hoose, taas oo gaartay heer nolsoha lagu gubo dad nool oo dagaalka aan shaqo ku laheyn.





















