Hooyo wiilkeeda usoomaneed 100 maali oo loosiidaayay

10

Madaxweynaha Masar Cbdulfataax al-Sisi ayaa cafis u fidiyey Alaa Cabdulfataax oo ah geyfane haysta dhalashooyinka Masar iyo Ingriiska, kaas oo xabsiga jiifey lixdii sano ee la soo dhaafay, sidaasna waxaa xaqiijiyey qoyskiisa.

Alaa ayaa ka mid ahaa 6 ruux xabsigoodi la buriyey, ka dib codsi ka yimid Golaha Xaquuqda Aadanaha ee Masar.

Ninkan oo 36 sano jir ah una dhaqdhaqaaqi jirey xaquuqda aadanaha, ayaa la xiray sannadkii 2019 intii lagu xabsiga loo taxaabay, 2021 waxaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah.

 

Xarigga Alaa Cabdulfitaax ayaa loo aaneeyey in uu ku lug lahaa faafinta warar been abuur ah, sida in uu muuqaal muujinayey maxbuus la jirdilayo ku baahiyey mareegaha internet-ka.

Waxaa xusid mudan in hooyada Alaa Cabdulfataax oo 68 sano jir ah, laguna magacaabo Leila Soueif, ay bishii Luulyo ee sannadkan soo afjartay muddo 9 bilood ah oo ay cuntada ka soomaneyd, ka dib markii ay damaanad qaad ka heshay dowlad Ingiriiska oo u xaqiijisay in wiilkeeda ay u qareemeyso. Waxayna mudadaas lumisay 40% miisaanka jirkeeda, iyadoo tiro ka labo jeer la dhigay isbitaal ku yaal magaalada London nafaqodarro awgeed.