Iiraan oo qiratay geerida General Cabdullaahi Jalali Nassab.

78

 

Warbaahinta Iran qaarkood ayaa sheegaya in lagu dilay weerar ay fulisay Israel sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka ciidanka dhulka ee dalkaas kaas oo maalmihii la soo dhaafay si wayn loo hadal haayay.

Sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Tehran, Brigadier General Cabdullaahi Jalali Nassab, oo ahaa ku-xigeenka taliyaha sirdoonka Ciidamada Dhulka ee Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC), ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhintay weerar cirka ah oo lagu qaaday caasimadda.

Ciidamada Israa’iil ayaa qoraal ay ku baahiyeen barta X ku sheegay in weerarkaasi lagu dilay Cabdullaahi Jalali Nassab iyo Amir Shariat, kuwaas oo ay ku tilmaameen laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa waaxda sirdoonka ee xarunta milatari ee Khatam al-Anbiya Central Headquarters.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in labada sarkaal loo magacaabay xilalkaasi kadib markii horay loo dilay Saleh Asadi, oo ahaa ku-xigeenka madaxa sirdoonka. Sida ay sheegeen, Jalali Nassab iyo Shariat waxaa loo arkayay saraakiil sirdoon oo muhiim u ah hawlaha qorsheynta iyo isku dubaridka howlgalada milatari ee Iiraan.

Xarunta Khatam al-Anbiya Central Headquarters waa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee taliska ciidamada Iiraan. Waxaa lagu tilmaamaa xarun isku dubaridda hawlgallada difaaca iyo qorsheynta dagaalka, gaar ahaan marka ay timaado iska hor imaadyada gobolka.

Saraakiisha Israa’iil waxay ku andacoodeen in xaruntan ay door muhiim ah ku leedahay qorsheynta howlaha militari ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Israa’iil, isla markaana ay ka mid tahay meelaha ay ka soo baxaan amarada la xiriira difaaca hawada iyo hawlgallada istiraatiijiga ah ee Iiraan.

Ilaa hadda, dowladda Iran si rasmi ah uma faahfaahin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo si buuxda u caddeyneysa dilka saraakiisha la sheegay. Wararku waxay imanayaan iyadoo xiisadda militari ee u dhaxaysa Iiraan iyo Israa’iil ay weli sareyso.