Iiraan oo soo bandhigtay shuruud 5 qodob ah ah.

26

 

 

Sida ay tebisay warbaahinta Israa’iil iyo ilo wareedyo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters, arrintan ayaa soo baxeysa xilli Madaxweyne Donald Trump uu sheegayo in dadaallada diblomaasiyadeed ay miro-dhalayaan, halka Tehran ay si fagaare ah u beenisay in wax wada-hadallo toos ah ay socdaan.

Telefishinka Channel 12 ee dalka Israa’iil ayaa Isniintii weriyay in Iiraan ay Washington u gudbisay shan dalab oo muhiim ah iyadoo adeegsanaysa waddooyin dadban. Dalabaadkaas waxaa ka mid ah dammaanad-qaad ah in aan dib loo billaabin dagaalka, magdhow laga bixiyo khasaaraha ka dhashay colaadda, iyo in la sameeyo nidaam amni oo cusub oo lagu maamulo Marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Tehran ay doonayso tanaasulaad ballaaran oo dhanka gobolka ah, oo ay ku jiraan tallaabooyin saameynaya joogitaanka milateriga Mareykanka ee Bariga Dhexe, in kasta oo mas’uuliyiinta Iiraan aysan si fagaare ah u xaqiijin qodobadaas.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saddex sarkaal oo sare oo Iiraaniyiin ah ayaa Talaadadii sheegtay in mowqifka wada-xaajoodka ee Tehran uu si weyn u adkaaday tan iyo markii uu dagaalku qarxay 28-kii bishii Febraayo.

Sida ay xaqiijiyeen ilahaas, Iiraan waxay dalbanaysaa dammaanad adag oo ka dhan ah in dib loo soo celiyo tallaabooyinka milateri, magdhow maaliyadeed, iyo gacan-ku-hayn rasmi ah oo ay ku yeelato Marinka Hormuz, haddii la doonayo in dadaallada dhex-dhexaadintu ay isu beddelaan wada-hadallo dhab ah. Sidoo kale, xukuumadda Tehran ayaa diiddan inay aqbasho wax xannibaad ah oo lagu soo rogo barnaamijkeeda gantaallada riddada dheer ee ballistic-ga.

Kala-duwanaanshaha weyn ee u dhexeeya xiriirada hoose ee qarsoon iyo farriimaha fagaaraha ayaa iftiimiyay jilicsanaanta fursad kasta oo diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Trump ayaa Isniintii sheegay in Washington ay muddo wada-hadallo la lahayd Iiraan, isagoo ku adkaystay in markan Tehran ay dhab ka tahay.

Trump wuxuu guusha laga gaaray wada-hadallada ku tilmaamay mid qayb ahaan ka dhalatay awoodda milateriga Mareykanka, isagoo mar kale ku celiyay in Washington aysan marnaba aqbali doonin in Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah.

“Waxaan rajeyneynaa in heshiis la gaari karo,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray in Iiraan ay haysato fursad kale oo ay ku soo afjarto hanjabaadaha ay ku hayso Mareykanka iyo xulafadiisa.

Balse, mas’uuliyiinta Iiraan ayaa si adag u beeniyay in wada-hadalladu ay horumar sameynayaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqir Qalibaf, ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya wada-hadallada kuwo been abuur ah, halka mas’uuliyiin kalena ay ku adkeysteen in wax wada-hadal toos ah uusan dhexmarin iyaga iyo Washington.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiin gobolka iyo kuwa Yurub ah ayaa rumeysan in farriimo la isku weydaarsanayo dhex-dhexaadiyeyaal, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Masar, Pakistan iyo dhowr waddan oo Khaliijka ah loo arko inay yihiin marinno suurtagal ah oo loo adeegsado diblomaasiyadda dadban.

Dagaalkan ayaa durba saameyn xooggan ku yeeshay suuqyada caalamka iyo waddooyinka isku-socodka badda, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo Marinka Hormuz oo ah marin-biyood ciriiri ah oo ay marto qiyaastii shan-meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee adduunka.