Ilhaan Cumar oo shaacisay tirada rasmiga ee akoonkeeda.

23

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota, kana tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa sheegtay in hantideedu aysan la ekeyn sidii ay muujinayeen dokumiintiyadii ay horay ugu gudbisay Koongareeska Mareykanka.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo ay wajahayso suurta-galnimada baaritaanno dhanka maaliyadda ah oo ay dabada ka riixayaan Madaxweyne Donald Trump iyo xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada. Ilhaan ayaa arrintan ku sababeysay in khaladaad weyn oo xisaabeed ay ku jireen xogteedii hore.

Diiwaan maaliyadeed oo ay Ilhaan gudbisay sanadkii hore ayaa muujinayay in iyada iyo seygeedu ay leeyihiin hanti u dhexaysa $6 milyan ilaa $30 milyan oo dollar, taas oo ahayd sare u kac xad-dhaaf ah marka loo eego xogteedii sanadaha ka horreeyay.

Sare u kacaas dhaqaale ayaa shaki weyn ku abuuray xubnaha Jamhuuriga, kuwaas oo in muddo ah raadinayay fursad ay baaritaan ugu sameeyaan xildhibaanadan oo si weyn u dhaleecaysa madaxweynaha.

Balse, xogta cusub ee la saxay oo uu arkay wargeyska The Wall Street Journal, ayaa muujinaysa in hantida rasmiga ah ee lammaanahan ay u dhexayso oo keliya $18,004 ilaa $95,000 oo dollar. Nidaamka diiwaangelinta hantida ee Koongareeska ayaan u baahnayn in la sheego tirooyin rasmi ah, balse wuxuu oggol yahay in la gudbiyo qiyaas guud oo u dhexaysa labo tiro.

Seyga Ilhaan, Tim Mynett oo horay u ahaa la-taliye siyaasadeed, ayaa la shaqeeya ganacsiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shirkad maareysa maalgashiga (venture-capital) oo fadhigeedu yahay Washington, D.C., iyo shirkad kale oo ku taalla gobolka California.

Ganacsiyadaas ayaa markii hore lagu qiimeeyay inay ku fadhiyaan lacag u dhexaysa $6 milyan ilaa $30 milyan oo dollar. Balse xogta cusub ayaa muujinaysa in ganacsiyadaasi aysan lahayn wax qiimo ah marka la is-barbar dhigo hantida iyo deynta lagu leeyahay (liabilities).

Kaaliyeyaasha Ilhaan ayaa xaqiijiyay in xildhibaanaddu ay eegtay foomka kahor inta aan la gudbin sanadkii 2025-ka, balse aysan markiiba dareemin khaladka ku jira, maadaama aysan iyadu ku lug lahayn maamulka ganacsiyada seygeeda, ayna si buuxda ugu kalsooneyd xisaabiyihii diyaariyay xogta hantida ninkeeda.

“Diiwaankan la saxay wuxuu xaqiijinayaa wixii aan waligeenba sheegaynay: Xildhibaanaddu ma aha milyaneer,” ayay tiri Jacklyn Rogers, oo ah afhayeenka Ilhaan Cumar. “Xildhibaanaddu si mutadawacnimo ah ayay u beddeshay xogteeda isla markii la ogaaday is-khilaafka.”

Faylashan cusub ayaa sidoo kale jawaab u ah warqad ay Ilhaan bishii Maarso ka heshay Xafiiska Kormeerka Anshaxa ee Koongareeska (OCC), oo ah hay’ad madax-bannaan oo qaabilsan dib-u-eegista eedeymaha la xiriira anshax-xumada xubnaha iyo shaqaalaha Aqalka Wakiilada.

Qareen matalaya Ilhaan ayaa xafiiskaas ugu jawaabay in khaladku uusan ahayn mid kas ah. Wuxuu xusay inay iska caadi tahay in xubnaha baarlamaanka oo mashquul badan ay ku tiirsanaadaan xisaabiyeyaal xirfadlayaal ah, isagoo carabka ku adkeeyay inaanu jirin wax sharci-darro ah oo meesha ka dhacay.

Xogta cusub ayaa iftiimisay in dakhliga sanadkii 2024 ka soo galay hantida ay iyada iyo seygeedu leeyihiin uu u dhexeeyo $102,503 ilaa $1,005,200 dollar. Sidoo kale, diiwaanku wuxuu muujinayaa in Ilhaan oo 43 jir ah lagu leeyahay deyn waxbarasho oo u dhexaysa $15,001 ilaa $50,000 iyo deynta kaararka (credit-card debt) oo iyaduna u dhexaysa $15,001 ilaa $50,000.

In xildhibaanadu ay dib u saxaan diiwaankooda maaliyadeed ayaan ahayn wax ku cusub Koongareeska Mareykanka, iyadoo tiro xubno ah ay horay ugu guuldareysteen inay si sax ah u diiwaangeliyaan hantidooda.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Janaayo si maldahan u sheegay in Ilhaan ay dhici karto inay ka faa’iidaystay fadeexaddii xatooyada hantida daryeelka bulshada ee ruxday gobolkeeda, isagoo xusay in Wasaaradda Caddaaladdu ay baaritaan ku hayso.

Sidoo kale, Xildhibaan James Comer oo ah guddoomiyaha Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiilada, ayaa isna ku goodiyay inuu amar maxkamadeed ugu yeeri doono seyga Ilhaan sababo la xiriira booditaanka hantidooda.

Ilhaan Cumar, oo ah xubinta ugu magaca weyn jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas oo haatan lagu hayo il-gaar ah, ayaa bishii Janaayo dhaleeceyntaas uga jawaabtay in Trump uu leeyahay “waalli iyo u-fiirsasho xanuun ah oo uu ku hayo iyada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.” Waxay raacisay: “Muddo sanado ah, wuxuu ku baaqayay in baaritaanno la igu sameeyo, waxbana ma aysan helin.”

Xafiiska Ilhaan ayaa Jimcihii xaqiijiyay in aysan wax xiriir ah ka helin Wasaaradda Caddaaladda ama xubnaha Jamhuuriga ee ku hanjabay baaritaannada.

Ilhaan, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah iyo mid ka mid ah labadii haween ee ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Koongareeska, ayaa inta badan la kulanta weeraro afka ah oo kaga yimaada Trump.

Waxay fagaaraha siyaasadda qaranka soo jiidatay markii ay ka mid noqotay koox dumar ah oo dhallinyaro ah kana tirsan garabka bidix ee Dimoqraadiga oo loo yaqaano “The Squad”, kuwaas oo inta badan ka horyimaada siyaasadaha soo jireenka ah si weynna u naqdiya Madaxweyne Trump.