
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa ka jawaabtay hadalka Madaxweyne Donald Trump uu ka sheegay iyada iyo guud ahaan Soomaalida ku nool dalkaas.
Trump wuxuu sheegay in Soomaalidu yihiin “khashin” iyo in Mareykanku “aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno khashin.”
“Ku mashquuliddeyda waa cabsi gelin,” ayay Ilhaan Cumar ku qortay barteeda X. “Waxaana rajeynayaa inuu heli doono caawinaadda uu aadka ugu baahan yahay.”
Hadalladiisu waxay imaanayaan iyadoo ay billowdeen howlgal lagu sheegay in lagu qaban-doono dadka laga soo saaray amarro masaafurisah oo ku sugan gobolka Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda.
Mas’uuliyiinta magaalada Minnesota ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyagoo ku doodaya in ay suuragal tahay in si khalad ah loo qabto muwaadinin Maraykan ah oo laga yaabo in ay u muuqdaan kuwo ka yimid dalka Soomaaliya.




















