
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si kulul uga jawaabtay baaritaan ay ciidamada federaalka Mareykanka ku sameeyeen gurigeeda magaalada Washington DC, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Donald Trump inuu hay’adaha ammaanka dowladda u adeegsanayo cabsi-gelinta iyo bartilmaameedsiga dadka siyaasadda ku mucaaradsan.
Ilhaan ayaa qoraal ay Isniintii soo dhigtay barteeda X ku sheegtay inay nabad qabto, balse waxay hawlgalka ku tilmaantay tallaabo cusub oo ka mid ah olole siyaasadeed oo Trump uu muddo toban sano ah ku hayey.
“Ha ku khaldamin, tani waa isku day lagu bartilmaameedsanayo dadka siyaasadda lagu kala aragtida duwan yahay, looguna adeegsanayo hay’adaha fulinta sharciga federaalka,” ayay tiri Ilhaan.

“Muddo toban sano ah, Trump wuxuu igu bartilmaameedsanayey been abuur aan sal lahayn iyo ololeyaal sumcad dil ah. Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee sii xoojineysa ololihiisa cabsi-gelinta siyaasadeed,” ayay raacisay.
“Ma aamusi doono,” ayay hadalkeeda ku soo gabagabeysay.
Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa isaguna soo saaray bayaan uu hawlgalka ku cambaareeyey, kuna tilmaamay ku takrifal awoodeed oo aan hore loo arag, kaas oo lagu adeegsanayo hay’adaha federaalka si loo beegsado dadka siyaasadda ku mucaaradsan Trump.
Afhayeenka xildhibaanadda, Jacklyn Rogers, ayaa sheegtay in Trump uu muddo dheer Ilhaan ku hayey weerarro afka ah oo halis geliyey ammaankeeda, balse hadda uu arrinta gaarsiiyey heer ciidamada federaalka ay baaraan gurigeeda.
“Xildhibaanaddu wax dembi ah ma gelin. Madaxweyne kasta waa inaan loo oggolaan inuu awoodda dowladda federaalka u adeegsado cabsi-gelinta dadka siyaasadda ku mucaaradsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.



















