Imaaraadka oo Itoobiya ka sameeyey xero ciidan

76

Baaritaan qoto dheer oo ay samaysay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daaha ka rogay in dowladda Itoobiya ay dalkeeda ku martigelinayso xero tababar oo qarsoodi ah, halkaas oo lagu diyaarinayo kumanaan dagaalyahanno ah oo ka tirsan ciidanka gurmadka degdegga ah ee Suudaan (RSF).

Xeradan oo ku taal deegaanka Menge ee gobolka Benishangul-Gumuz, ayaa qiyaastii 32 kiiloomitir u jirta xadka Suudaan. Sida ay xaqiijiyeen siddeed ilo-wareed oo kala duwan, oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, dhismaha xeradan iyo saadka ciidanka waxaa maalgelisay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kale halkaas geysay khubaro dhanka tababarka ciidanka ah.

In kasta oo Reuters ay sheegtay in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin ujeeddada rasmiga ah ee xerada, wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa iska fogeysay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in aysan marnaba qayb ka ahayn colaadda ka taan dalka Suudaan.

Baaritaankan ayaa lagu saleeyay wareysiyo lala yeeshay 15 qof oo xog-ogaal u ah dhismaha xerada, iyo falanqayn lagu sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka. Sawirro ay qaadday shirkadda teknoolajiyada hawada ee Vantor, ayaa muujiyay in xeradu ay ka kooban tahay in ka badan 640 teendho.

Shirkadda falanqaysa arrimaha difaaca ee Janes ayaa qiyaastay in xeradu ay qaadi karto ugu yaraan 2,500 oo askari, balse xogaha sirta ah ee Itoobiya ayaa sheegaya in awoodda xeradu ay gaari karto illaa 10,000 oo dagaalyahanno ah.

Sida lagu xusay qoraal sir ah oo ay aragtay Reuters, bishii Janaayo ee sannadkan waxaa xerada tababar ku qaadanayay ku dhowaad 4,300 oo askari oo ka tirsan RSF, kuwaas oo la filayo inay xoojiyaan dagaalka ay kooxdu ka dhex waddo gobolka Blue Nile ee dalka Suudaan.

Xeradan ayaa ku taal meel istiraatiiji ah oo u dhow Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), taas oo walaac xooggan ku abuurtay diblomaasiyiinta gobolka. Waxaa laga cabsi qabaa inay aaggan u beddesho furun dagaal oo khatar ah haddii colaaddu ay ku fido xuduudaha.

Sidoo kale, baaritaanka ayaa muujiyay dhismooyin cusub oo laga samaynayo garoonka diyaaradaha ee Asosa, kuwaas oo falanqeeyayaashu sheegeen inay la mid yihiin kaabayaasha loo isticmaalo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones).

Xiriirka milatariya ee u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo dowladda Imaaraadka ayaa sii xoogaysanayay tan iyo sannadkii 2018. In kasta oo milatariga Suudaan ay marar badan ku eedeeyeen Imaaraadka inay hubaynayaan kooxda RSF ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdan Daqalo (Hemedti), Abu Dhabi ayaa si joogto ah u beenisay eedeymahaas.

Dagaalka Suudaan oo qaraxay bishii Abriil ee 2023, ayaa sababay barakac ballaaran, macaluul, iyo xasuuq ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana hadda muuqata in faragelinta shisheeye ay dabka kusii shubayso colaaddaas aan dhammaadka lahayn.

https://www.reuters.com/investigations/ethiopia-builds-secret-camp-train-sudan-rsf-fighters-sources-say-2026-02-10/