IRAN oo dooratay hoggaamiye cusub

135

Golaha khubarada ee Iiraan u qaabilsan soo xulista hoggaamiyaha cusub ayaa doortay hoggaamiyaha beddelaya Aayatullah Cali Khamenei, oo Sabtidii la soo dhaafay lagu dilay duqeyn ka dhacday Tehran.

Inkasta oo si rasmi ah loo shaacin magaca hoggaamiyaha sare ee la doortay, haddana waxaa la xaqiijiyay in guddiga uu maanta hab codeyn ah ku doortay.

“Musharraxii ugu habboonaa, oo ay ansixiyeen aqlabiyadda Golaha Khubarada, ayaa la go’aamiyay,” ayuu yiri Mohsen Heydari, oo ka tirsan guddiga xulashada oo u waramay wakaaladda wararka Iiraan ee ISNA.

Mohammad Mehdi Mirbagheri oo isna ka tirsan guddiga ayaa muuqaal ay baahisay wakaaladda wararka Fars ee dalkaas ku xaqiijiyay in “la gaaray go’aan rasmi ah oo ka tarjumaya aragtida aqlabiyadda.”

Aayatullah Mohsen Heidari Alekasir ayaa isna tilmaamay in shakhsiga loo doortay inuu beddelo hoggaamiyaha sare uu u badan yahay mid ay si weyn uga soo horjeeddo Washington.

Wuxuu sheegay in “sheydaanka weyn,” oo ah eraybixin ay Iiraan u adeegsato Mareykanka, uu si aan ku talagal ahayn guddiga ugu sameeyay “fursad abaal-marin ah” markii uu si furan u naqdiyay musharraxiin gaar ah.

Hadalladiisa ayaa u muuqday kuwo tixraacaya faallooyin uu bixiyay Donald Trump, kaas oo sheegay inaan la aqbali doonin in wadaadadu ay doortaan wiilka uu dhalay Khamenei, ee Mojtaba, inuu noqdo beddelkiisa.

Si kastaba, xubnaha golaha ayaa weli isku maandhaafsan qaabka loo shaacinayo hoggaamiyaha cusub; xubnaha qaar ayaa rumeysan in markiiba la shaacin karo, halka kuwa kalena ay aaminsan yihiin in loo baahan yahay kalfadhi kale ka hor inta aan si rasmi ah bannaanka loo soo dhigin magaciisa.

Israa’iil ayaa ka digtay inay beegsan doonto shakhsi kasta oo loo doorto inuu beddelo Cali Khamenei, kaas oo lagu dilay duqeymo wadajir ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil maalintii ugu horreysay ee dagaalka lala galay Iiraan.

Milatariga Israa’iil ayaa dhankooda ka digay inay sii wadi doonaan dabagalka iyo beegsiga ciddii beddesha hoggaamiyihii sare ee geeriyooday. Qoraal ku qornaa afka Faarisiga oo lagu baahiyay barta X, ayay milatariga Israa’iil sidoo kale ku sheegeen inay raad-goobayaan qof kasta oo isku daya inuu beddel u magacaabo Khamenei.

Caqabadaha ku xeeran Mojtaba Khamenei

Maalmihii u dambeeyay, Mojtaba Khamenei oo 56 jir ah ayaa soo ifbaxay inuu yahay ninka ugu cadcad tartankan.

Magacaabistiisa ayaan ahayn mid hubaal ah, iyadoo dadka naqdiya nidaamka ay u arkaan in tallaabadani ay sii adkeyn doonto maamul ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanuhu ku eedeeyeen inuu dilay ugu yaraan 7,000 oo qof bilihii lasoo dhaafay.

Intaas waxaa dheer, in dhaxalka aabe-iyo-wiilka ah uu yahay arrin laga dheehan karo weji-gabax dhexdiisa aasaaska culimada Shiicada ah ee Iiraan, gaar ahaan jamhuuriyad ka dhalatay afgembigii lagu riday nidaamkii boqortooyada sanadkii 1979-kii.

Sida uu qabo dastuurka Iiraan, Golaha Khubarada oo ka kooban 88 xubnood ayaa mas’uul ka ah xulashada hoggaamiyaha sare ee dalka.

Khamenei, oo Iiraan xukumayay 37 sano, ayaa 28-kii Febraayo lagu dilay duqeyn ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen caasimadda Tehran.