Shaqaalaha saddex isbitaal oo ku yaalla dalka Iiraan ayaa sheegay in xarumahooda caafimaad ay buux dhaafiyeen bukaanno dhintay ama dhaawacmay, iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada waaweyn ee looga soo horjeedo dowladda.
Dhakhtar ka howlgala mid ka mid ah isbitaallada magaalada Teheran ayaa sheegay in ay arkeen xaalado aad u daran, isagoo xusay in “dad aad u yar yar si toos ah looga tooganayey madaxa iyo wadnaha.”
Dhakhtar kale ayaa isna xaqiijiyey in isbitaal indhaha ku takhasusay oo ku yaalla caasimadda uu galay xaalad degdeg ah, kaddib markii tiro badan oo dhaawacyo culus ah halkaas la geeyay, Laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ay daweeyeen dad qaba dhaawacyo ka dhashay rasaas nool iyo rasaas budo ah labadaba, taas oo muujinaysa in awood milatari si xooggan loo adeegsaday inta ay socdeen mudaaharaadyadu.
Dowladda Mareykanka mar kale ku celisay digniin ay horay u jeedisay, iyada oo sheegtay in dilka mudaaharaadayaasha looga jawaabi doono tallaabooyin ay ku jiraan fal milatari.
Shacabka dibed baxyada dhigaya ayaa ka cabanaya dhaqaale xumo adag, shaqo la’aan iyo maciishada nolosha oo cirka gashay, xili dalkaas uu muddo dheer la daalaa dhacayo xanibaada dhaqaale ee ay saareen dalalka reer galbeedka, iyadoo dadku dalbanayaan isbedel.
Shacabka kacdoonka ka wada Iran qaar kamid ah ayaa dhowaan ku baaqay in uu dalka ku soo laabto Reza Pahlavi, wiilka Shaahii ugu dambeeyay ee Iiraan, kaas oo hadda ku sugan dibedda dalka.
Taageerayaashu waxay u arkaan inuu noqon karo xuddun mideysa dadka raba in dalka dib loogu soo celiyo hannaankii boqortooyadii ee Iiraan, ayadoo asaga laftiisu uu dadka ku dhiiri-geliyay in waddooyinka ay ku soo baxaan si nabad ah oo ay u muujiyaan rabitaankooda, taasoo ka tarjumaysa rabitaanka isbeddelka ee reer Galbeedka ay gadaal ka riixayaan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maalmo ka hor ninkan ugu yeeray dhaxal-sugaha Khasriga Daa’uuska ee Iiraan, mar uu ka hadlayay bannaanbaxyada xooggan ee dalkaas ka socda, kuwaas oo khasaare nafeed iyo burburba sababay, Reza Pahlavi waxaa tan iyo dhalashadiisii loo diyaariyay inuu noqdo dhaxal-sugaha Khasriga Daa’uuska, oo muddo dheer looga arrimin jiray Iiraan, balse kacaankii 1979-kii ayaa meesha ka saaray boqortooyadii aabbihiis uu hoggaanka u hayay, asagoo xilligaas ku jiray tababar duuliyenimo diyaaradaha dagaalka ah oo uu ka helay dalka Maraykanka.
Aabbihiis, oo xiriir dhow la lahaa dalalka reer galbeedka, ayaa sanadkii 1980-kii oo ah sanad ka dib markii xilka laga tuuray cudurka kansarka ugu geeriyooday dalka Masar, taasoo keentay in Reza Pahlavi uu dibedda ku noolaado muddo dheer, isagoo la socday xaaladda siyaasadeed ee Iiraan.
Mudaaharaadyada hadda socda ayaa ah kuwo muujinaya rabitaan isbadel oo xooggan, ayadoo uu muuqdo dedaalka ay reer Galbeedku ku doonayaan inay meesha uga saaraan kacaanka Islaamiga ah, islamarkaana ay talada gacanta ugu geliyaan nidaamkii xulufada lahaa ee reer Shah.





















