Iran oo weeratay safaarada Mareykanka ee Riyadh.

76
Trump
Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay si dhakhso ah uga jawaabi doonto weerarka lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee magaalada Riyadh.

Weerarkaasi ayaa dhaliyay khasaare gaaray dhismaha safaarada, iyadoo la baahiyay muuqaalada dab ka kacay gudaha safaarada, taasoo la xakaneyn waayay.

Wariye Kellie Meyer oo ka tirsan warbaahinta News Nation ayaa sheegtay in Trump uu u xaqiijiyay in tallaabada laga qaadayo la shaacin doono “waqti dhow.”

Dhanka kale, Trump ayaa muujiyay inuusan aaminsanayn in loo baahnaan doono dirista ciidamo Mareykan ah oo dhulka ah, isagoo ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah Iran.