Israa’ oo taageertay raadinta Itoobiya ee marin u helidda badda.

10

 

Dowladda Israel ayaa si cad u taageertay dadaalka Itoobiya ay ku dooneyso inay marin uga hesho Badda Cas, iyadoo safiirkeeda Addis Ababa uu sheegay in taageerada arrintan ay tahay siyaasad rasmi ah oo ay Israel qaadatay.

“Israel waxay Itoobiya ku garab taagan tahay dadaalkan. Tani waa siyaasad cad oo Israel leedahay,” ayuu yiri safiirka Israel ee Itoobiya, Avraham Neguise, oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.

Safiirka ayaa sheegay in Israel aysan arrinta marin-badeedka Itoobiya u arkin oo keliya dan u gaar ah Addis Ababa, balse ay ku xiran tahay xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka Badda Cas.

“Xoojinta iyo awood-siinta Itoobiya iyo abuurista xasillooni ka jirta Badda Cas waa dan ay wada leeyihiin dhammaan dhinacyadu, mana aha oo keliya dan Itoobiya,” ayuu yiri.

Hadalladan ayaa ka dhigan taageero cad oo diblomaasiyadeed oo Israel siisay qorshe uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed muddooyinkii dambe ka dhigay mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee siyaasadda gobolka ee Itoobiya.

Itoobiya ayaa ku doodaysa inay u baahan tahay marin-badeed joogto ah oo taageera dhaqaalaha sii kobcaya, ganacsiga dibadda iyo baahideeda amni.

Safiir Neguise ayaa sheegay in helitaanka marin-badeed uu Itoobiya ka caawin karo xoojinta dhaqaalaheeda, ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ka qayb-qaadashada amniga gobolka.

Hase yeeshee, ma uusan sheegin deked gaar ah oo Israel ay taageersan tahay ama in taageeradu ku saabsan tahay marin ganacsi, saldhig ciidan badeed ama heshiis nooc kale ah.

Arrintaas ayaa weli ah mid xasaasi ah, maadaama waddo kasta oo Itoobiya ay uga bixi karto badda ay taaban karto danaha dalalka deriska ah, gaar ahaan Soomaaliya iyo Eritrea.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN