Ciidamada Israa’iil, ayaa khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ay kala kulmayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Xamaas ee ka socda magaalada Qasa.
Afhayeen u hadlay Israa’iil oo lagu magacaabo David Mensar oo warbaahinta la hadlay , ayaa qiray in khasaaro badan ciidankooda uu kasoo gaaray howlgalka ay ka wadaan magaalada Qasa.
Waxa uu sheegay afhayeenka in kooxda Xamaas dishay 895 askari oo katirsanaa ciidanka Israa’i tan iyo waxii ka danbeeyay 7 October, markaas oo Xamaas oo weerar culus ka fulisay gudaha Israa’iil, weerarkaasi oo dhaliyay duullaanka Israa’iil ku burburisay Qasa.
Ciidamo badan oo katirsan milatariga Israa’iil, ayaa sidoo kale dhaawacyo culus iyo dhibaatooyin kale oo caafimaad darro kala kulmay dagaalka adag ee aan dhammaan ee kula jiraan kooxda Xamaas.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka magaalada Qasa, waxa la diiwaangeliyay burbur xooggan, dhimasho iyo dhaawac iyada oo aan weli xal loo helin xabbad-joojin laga gaadho dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil.