
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah Eretareeya, iyadoo ku eedeysay inay ciidamadeedu gudaha u soo galeen dhulka Itoobiya, isla markaana ay faragelin ku hayso madax-bannaanida iyo amniga dalkaas.
Warqad ay Addis Ababa u dirtay Qaramada Midoobay ayay ku muujisay walaac xooggan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada militari ee Eretareeya, iyadoo ka digtay inay qaadi karto tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo is-difaac ah haddii aan xaaladda wax laga qaban.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada Eretareeya ay gudaha u galeen dhulka Itoobiya masaafo dhan ilaa 60 kiiloomitir, iyadoo ku eedeysay Asmara inay isku dayayso inay colaado ka huriso gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “duullaan iyo gardarro cad”, wuxuuna ku baaqay in cadaadis la saaro dowladda Eretareeya si ay ciidamadeeda ugala baxdo dhulka Itoobiya. Addis Ababa ayaa sidoo kale ka digtay suurtagalnimada tallaabo militari haddii xaaladda wax laga qaban waayo.
Dhankeeda, Eretareeya ayaa iyaduna jawaab u gudbisay Qaramada Midoobay, iyadoo Itoobiya ku eedeysay inay waddo qorshe dagaal oo ay doonayso inay ku gaarto Badda Cas, iyadoo adeegsanaysa dhulka Eretareeya.
Wasiirka Warfaafinta Eretareeya, Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in Itoobiya ay muddo ka badan saddex sano wadday waxa uu ku tilmaamay “dagaal gardarro ah” oo ka dhan ah dalkiisa, isaga oo sidoo kale xusay hadallo iyo farriimo hanjabaad ah oo ay Addis Ababa adeegsanaysay.
Dowladda Eretareeya ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay tan iyo sannadkii 2023 xoogga saareysay qorshayaal lagu beegsanayo Dekedda Assab, iyadoo sheegtay in dhaqdhaqaaqyadaasi ay qayb ka yihiin khatarta amni ee ay kala kulmayso dowladda Itoobiya.
Xiisadda labada dal ayaa sii kordheysa, iyadoo ay is-weydaarsanayaan eedeymo culus, cabashooyin diblomaasiyadeed iyo digniino la xiriira suurtagalnimada dagaal. Dhaqdhaqaaqyada militari iyo hadallada hanjabaadda ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafkoodu isu beddelo iska horimaad hubeysan oo saameeya xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo amniga Badda Cas.




















