Juxa oo diiday xilka qaadistii lagusameeyay duqa waqooyiga Galkacyo

69

Xubno katirsan golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntland , ayaa xilka ka qaaday duqa magaalada Gaalkacyo Maxamed Cabdirisaaq Daacad, oo ay ku eedeeyeen in uu ku fashilmay shaqadii loo igmaday.

Xil ka qaadista lagu sameeyay duqa magaalada Gaalkacyo waxaa si deg deg ah uga hortimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland, waxa ayna xil ka qaadistaasi ku tilmaantay Wasaaradda mid sharcidarro ah.

“Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxay caddaynaysaa in go’aankii ka soo baxay xubnaha golaha degaanka ee ku shiray magaalada gaalkacyo ee sheegay in ay xilka ka qaadeen duqa degmada Gaalkacyo uusan ahayn mid waaafaqsan shuruucda lagu maamulo Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. Sidaa daared, uu yahay go’aankii ay soo saareen mid aan sharciga waafaqsanayn waxba kama jiraanna ah.”