Kenya oo ku celisay inay aqoonsan tahay midnimada Soomaaliya

23

Wasiirka Caafimaadka ee Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa Sabtidii, 28-ka Juun 2025, mar kale ku celiyay in Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xuska sanadguuradii 65-aad ee Xorriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi, una martigeliyay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle, ayuu Aadan Duale carrabka ku adkeeyay in Kenya ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanidiisa.

“Kenya waxay bogaadinaysaa dadaalka Soomaaliya ee ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan qorshaha kala guurka ah ee ATMIS ilaa AUSSOM. Waxaan si buuxda u aqoonsannahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana taageersanahay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda gobolka iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaashi,” ayuu yiri Duale.

Duale wuxuu sidoo kale muujiyay sida Nairobi diyaar ugu tahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee ku yaalla Bariga Afrika, isagoo ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir iskaashi oo dheef-wadaag ah.

“Xilli Soomaaliya ay u dabaal-degto guushan taariikhiga ah, waxaan muujiyay diyaar-garowga Kenya ee ku aaddan iskaashi ku saabsan horumarinta dhaqaalaha badda (Blue Economy), xoojinta xiriirka dadweynaha, iyo wadajirkeena ku aaddan hormarinta nabadda, la-dagaallanka isbeddelka cimilada, iyo horumar waara — heer gobol iyo caalami ahba,” ayuu yiri Duale.

Duale waxaa munaasabaddaas uu ka qeyb galay isagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana la socday mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda Kenya, kuwaas ay ka mid ahaayeen Wasiirka Haweenka Hanna Cheptumo, Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda Korir Sing’oei, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Waaxda Dhaqanka Ummi Bashir, iyo qaar kaloo badan.

Ballanqaadka Kenya ee Soomaaliya waxa uu yimid hal bil kadib markii Somaliland ay xafiis diblomaasiyeed ka furatay magaalada Nairobi, inkastoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ay si cad u diidday maalmo yar ka hor.