Xeer Ilaaliyaha guud ee SSC-Khaatumo, Cabdullaahi Xirsi Dheere, ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso dilka Faarax Caydiid Jaamac, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa xafiiska qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe.
Maydka sarkaalkan ayaa laga helay duleedka Laascaanood, halkaas oo uu ku sugnaa maalmihii u dambeeyay, isagoo mar la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Asad Diyaano.
Xeer ilaaliye Cabdullaahi Xirsi Dheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay muddo daba socotay Faarax Caydiid, maaddaama uu ahaa xubin ka tirsan sirdoonka Itoobiya. Wuxuu intaa ku daray in sarkaalku uu horey uga badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaadday, oo uu dhaawac kasoo gaaray.
Sidoo kale, xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in Faarax Caydiid Jaamac uu horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse uu kasoo goostay, taasina ay sababtay in si gaar ah loo bartilmaameedsado. Wuxuu sidoo kale beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in Garowe lagu dilay maydkiisana loo qaaday Laascaanood.
“Xogta aan hayno waxay muujinaysaa in sarkaalkan lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood, kadibna maydkiisa loo qaaday duleedka magaalada, waxaana laga qaatay 2 Mobile ”ayuu yiri Cabdullaahi Dheere.
Wuxuu intaa ku daray: “Anigu waxaan aaminsanahay in ninkan si dhow loola socday. Markii uu halkan yimid, aad buu isu dhigtay, ma ahayn qof aad u feejigan. Wuxuu ahaa bartilmaameed, qof kastana wuxuu ogyahay in SSC Khaatumo lagu dhex jiro.
Dilka Faarax Caydiid ayaa noqonaya dilkii ugu horreeyay ee lagu eedeeyo kooxda Al-Shabaab oo ka dhaca gudaha Laascaanood, tan iyo markii laga saaray Somaliland magaaladaas. Intii ay Somaliland maamuleysay Laascaanood, waxaa ka dhici jiray dilal qorsheysan oo noocan oo kale ah, kuwaas oo ugu dambayn horseeday kacdoonkii hubeysnaa ee Somaliland looga saaray Laascaanood.