Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa

20

 

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee maamulka, Maxamuud Sayid Aadan ayaa khilaaf xooggan soo kala dhex galay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Labada mas’uul oo muddo dheer saaxiibo dhow ahaa ayaa haatan isku seegay sida loo wajahayo xiisadda ka taagan maamulka, iyadoo xogaha soo baxaya ay sheegayaan in kala shaki uu soo kala dhex galay labada nin.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu Maxamuud Sayid ku amray inuu kusoo laabto magaalada Kismaayo, isla markaana uu kasoo tago Mandheera oo uu hadda ku sugan yahay.

Madoobe ayaa ku doodaya in Sayid uu dib ugu soo laabto caasimadda KMG ah ee Jubaland, maadaama ay fashilmeen howl-galladii la doonayay inuu hoggaamiyo ee ka dhanka ahaa ciidamada dowladda federaalka.

Madaxweynaha Jubaland oo la sheegay inuu shaki xooggan ka qabo Maxamuud Sayid, ayaa si dhow isha ugu haya dhaq-dhaqaaqyadiisa, isagoo ku eedeynaya in hadalladiisa iyo ficilladiisu aysan is waafaqsaneyn, maadaama marka la eego hadalladiisa uu taageersan yahay Jubaland, balse ficil ahaan uusan u muuqan midaasi.

Sababaha khilaafaadka soo dedejiyay waxaa sidoo kale qeyb ka ah isbeddelka ku yimid siyaasadda dowladda Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya. Waxaa la sheegay in madaxweyne ku-xigeenka Jubaland ay wada-shaqeyn dhow kala dhaxeysay ciidamada dowladda Itoobiya.

Maxamuud Sayid ayaa la xaqiijiyay in uu ka cago jiidayo tegista magaalada Kismaayo, isla markaana ay kaga fududahay inuu tago degmada Luuq, oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay markan ku xooggan tahay. Tani ayaa muujinaysa in ay soo idlaanayaan waayihii Axmed Madoobe iyo Sayid.