Koonfur-galbeed oo xanibaad ku soo rogtay saraakiisha Ciidamada

18

Sida ku xusan warqad goor dhaw ka soo baxday Maamulka Koonfur-galbeed waxaa xanibaad lagu soo rogay dhanka socdaalka ah dhamaan saraakiisha ciidamada maamulkaasi xili khilaafka u dhexeeya Dowlada iyo iyaga uu cirka isku sii shareerayo.

Warqada amarka waxaa uu ka soo baxay Wasaarada Amniga Maamulka taasoo u dhigan in laga bilaabo maanta saraakiisha ciidamadu ka bixi karin Baydhaba ilaa amar danbe.