Kumaan-dooska Danab oo gacanta ku dhigo keydkii miinooyinka ee AS +SAWIRRO

49


Sida Warbaainta Dowlada lagu shaaciyay Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo keydkii miinooyinka ee ay Khawaariijtu ku lahaayeen duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo dhawaan Khawaariijta laga saaray nabadiidka, kaddib howlgallo is daba joog ah.

Howlgalkan oo qeyb ka ah howlgallo horey u socday, kana dhashay xog sirdoon oo sugan, ayaa ciidanku ku ogaadeen goob si qarsoodi ah loogu keydinayey miinooyin iyo walxo qarxa, kuwaas oo Khawaariijtu u adeegsan jirtay khatar gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka.

Ciidanka Ururka 161-aad Danab ayaa si buuxda u sugay amniga aagga, iyaga oo hubiyay khatar kasta oo ka imaan karta walxaha qarxa ee laga hortagay, waxaana la bilaabay tallaabooyin lagu burburinayo keydka miinooyinka si waafaqsan habraacyada amniga.