
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo weli sheegta inuu yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa si adag uga horyimid eedeymo maleeshiyada taabacsan loogu xiriiriyay Al-Shabaab, isaga oo Midowga Afrika iyo howlgalka AUSSOM uga digay inay ku lug yeeshaan khilaafka siyaasadeed iyo midka militari ee ka taagan maamulka.
War-saxaafadeed Khamiistii kasoo baxay xafiis Laftagareen uu weli ugu yeero “Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed” ayaa walaac looga muujiyay qoraal ay Guddiga Midowga Afrika soo saartay 21-kii Agoosto, kaas oo la sheegay inuu daba socday codsi dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay AUSSOM oo la xiriira xaaladda amni ee Koonfur Galbeed.
Laftagareen iyo garabkiisa ayaa si buuxda u diiday eedeymaha ciidamadooda oo ay ugu yeereen “Daraawiishta” la xiriirinaya kooxda Al-Shabaab.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamadaasi yihiin ciidan “si sharci ah loo dhisay”, isla markaana loo igmaday ilaalinta shacabka, hay’adaha dowladda, amniga iyo nidaamka dastuuriga ah ee Koonfur Galbeed.
“Ku tilmaamidda ciidamadaas ‘maleeshiyaad xiriir la leh Al-Shabaab’, iyadoo aysan jirin caddeyn si madax-bannaan loo xaqiijiyay, waxay halis gelinaysaa shacabka iyo ciidamada ammaanka, waxayna dhaawici kartaa kalsoonida lagu qabo AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka iyo dhinaca Laftagareen ay isku hayaan xaaladda Koonfur Galbeed, iyadoo khilaafka siyaasadeed uu marar dhowr ah isku beddelay iska horimaad hubeysan.
AUSSOM oo loo digay
Qoraalka ayaa si gaar ah uga digay in khilaafka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya lagu dhex daro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Garabka Laftagareen ayaa sheegay in khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada lagu xalliyo wada-hadal, hannaan dastuuri ah iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, halkii loo adeegsan lahaa awood militari.
Waxa uu ka digay in adeegsiga awood militari oo lagu gaarayo ujeeddooyin siyaasadeed ay sii hurin karto rabshadaha, barakaca iyo kala qeybsanaanta bulshada.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Laftagareen iyo maamulkiisa ay soo dhoweynayaan waxa ay ku tilmaameen “tilmaanta cad” ee ku jirta qoraalka Midowga Afrika ee ah in AUSSOM ay ilaaliso dhex-dhexaadnimadeeda, kana fogaato ku lug lahaanshaha khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.
Waxay ugu baaqeen Midowga Afrika iyo AUSSOM inay marka hore sameeyaan baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo xaqiiqooyinka, ka hor inta aysan taageerin ama qeyb ka noqon wax howlgal militari ah.
Digniin ku saabsan Baydhaba
Laftagareen ayaa si gaar ah uga digay tallaabo militari oo ka dhacda Baydhaba iyo deegaannada ku dhow, isagoo sheegay in howlgal kasta oo halkaas laga fuliyo uu keeni karo duqeyn, barakac ama waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah.
“Dhammaan howlgalladu waa inay si buuxda ugu hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, waajibaadka ilaalinta rayidka iyo xeerarka hawlgalka AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Garabka Laftagareen ayaa sidoo kale dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka ugu baaqay inaysan ku tiirsanaan xog aan la xaqiijin ama eedeymo ay siyaasadi dabada ka riixeyso.
Waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu bixiyo xogta uu hayo, isla markaana uu ka qeyb-galo baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo xaqiiqooyinka.
Qoraalka ayaa nuqullo loo diray madaxda Midowga Afrika iyo AUSSOM, Qaramada Midoobay, dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, Midowga Yurub, safaaradaha Mareykanka, Britain iyo Turkiga iyo urur-goboleedka IGAD.
Waxaa xusid mudan in qoraalka loo soo saaray magaca “Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed” iyo “Xafiiska Madaxweynaha”, inkastoo Laftagareen uu hadda dibad-joog ku yahay Nairobi, islamarkaana uu weli ku adkeysanayo sheegashada ah inuu hayo sharciyadda madaxtinimada Koonfur Galbeed.



















