DAAWO liiska xildhibaanada Waqooyi Bari oo laysku haysto

19

Muran xooggan ayaa ka taagan xulista xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari, iyadoo qabaa’ilo badan ay ka cabanayaan in kuraastooda lagu hayo faragelin, islamarkaana dadka ka ag dhow Madaxweyne Firdhiye loo xiray kuraastooda.

Madaxweyne Firdhiye oo ah musharax madaxweyne ayaa lagu eedeeyay inuu baarlamaanka gaysanayo shakhsiyaad uu doonayo inay isaga codka siiyaan, taasi waxay sababtay in musharaxiin xildhibaan oo kalsooni ka haysta beelahooda uu guddiga hubinta iyo xildhibaanada hoos u dhigay araajidooda.

Dhawaan, musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si cad uga horyimid guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari, iyagoo ku eedeeyay inuu yahay guddi u janjeera musharax gaar ah.

Baraha bulshada waxaa ka muuqday digniino kasoo baxaya beelo kala duwan, kuwaas oo ku hanjabay inay kasoo bixidoonaan furimaha dagaalka haddii Madaxweyne Firdhiye uusan joojin faragelinta xildhibaanada ay beeluhu soo xusheen.

Maalmo ka hor, dabley hubeysan caraysan ayaa weerartay guriga ololaha doorashada ee Madaxweyne Firdhiye, kaddib markii kursigii xildhibaan ee uu ku fadhiyay Firdhiye uu u xiray Fahiimo Yuusuf Quuje oo kamid ah taageerayaashiisa. Weerarkaas waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah ilaalada Firdhiye.

Xiisaddan ayaa sababtay in guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada uu hakad geliyo shaacinta liiska xildhibaanada soo baxay, iyagoo ka baqaya in rabshadaha siyaasadeed ee taagan ay saamayn ku yeeshaan geeddi-socodka dhismaha maamulka cusub.