Macbadka ay yuhuuudu lee dahay oo laweeraray.

61

Xafiiska Baarista Federaalka (FBI) ee Mareykanka ayaa ka jawaabay “xaalad toogasho oo ka dhacday meel u dhow sunagog ku yaal aagga magaalada Detroit ee Michigan.

Agaasimaha FBI-da Kash Patel ayaa tilmaamay in hay’addiisu ay la shaqeyneyso hay’adaha amniga maxalliga ah si loo sugo amniga aagga.

waxaa lasheegaya in qof rasaas ku furay oo weeraray xarunta.

Xafiiska Sheriff-ka ee Degmada Oakland ayaa sheegay in gaari uu ku dhacay macbadka, kaas oo sidoo kale hoy u ah xarun waxbarasho oo loogu talagalay carruurta. Lama xaqiijin in qof dhaawacmay “marka laga reebo qofka toogashada geystay”.

Waxaa la sameeyay amar ah in la galo goobta. Qiiq ayaa laga arkayay dhismaha, halkaas oo la sheegay in gaarigu uu dab qabsaday.

Si kastaba ha ahaatee, Ururka Yuhuudda ee Detroit ayaa farriin u diray taageerayaashiisa khadka tooska ah si ay uga fogaadaan inay u dhawaadaan sunagogga.