Madaxii DP World oo la eryay

75

 

Shirkadda caalamiga ah ee maamusha dekedaha ee DP World ayaa ku dhawaaqday isbeddel weyn oo lagu sameeyay hoggaankeeda sare, kadib markii la shaaciyay xog xasaasi ah oo ku saabsan xiriir hore oo dhex maray madaxii shirkaddaas iyo maalqabeenkii geeriyooday ee loo haystay dembiyada galmada, Jeffrey Epstein.

War saxaafadeed kasoo baxay DP World Jimcaha maanta ah ayaa lagu magacaabay Essa Kazim inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Maamulka, halka Yuvraj Narayan loo magacaabay Agaasimaha Guud (CEO), iyagoo beddelaya Suldaan Axmed Bin Sulayem oo muddo dheer soo hoggaaminayay shirkadda.

Bin Sulayem, oo ah 69-jir, ayaa xilka guddoomiyenimada hayay tan iyo sanadkii 2007, isagoo sidoo kale ahaa Agaasimaha Guud laga soo bilaabo 2016. Qoraal kooban oo loo diray suuqa saamiyada ee Nasdaq Dubai ayaa lagu sheegay in is-casilaadda Bin Sulayem ay tahay mid “dhaqan-galaysa isla markiiba.”

Xiriirka Epstein iyo cadaadiska ganacsi

Go’aankan ayaa yimid xilli ay Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka (DOJ) soo bandhigtay dokumiintiyo muujinaya in Jeffrey Epstein uu Bin Sulayem ku tilmaamay “saaxiib dhow oo qaali ah,” isla markaana uu ka mid ahaa dadka uu aadka u aaminsan yahay.

Dokumiintiyada la helay toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa muujinaya in xiriirka labada nin uu sii socday xitaa kadib markii Epstein lagu helay dembi ah inuu si sharci darro ah u isticmaalay gabar aan qaan-gaarin sanadkii 2008. Is-weydaarsiga farriimahooda ayaa isugu jiray talooyin ganacsi, maalgashi, iyo arrimo shaqsiyadeed oo ay ku jiraan “haweenka duugista sameeya, kaftanka anshax-xumada ah iyo adeegyada galmada.”

Si kastaba ha ahaatee, Bin Sulayem laguma eedeynin wax dembi ah oo rasmi ah, hay’adaha dembi-baaristuna waxay caddeeyeen in magaca qofka oo lagu xuso faylasha Epstein aysan ka dhignayn inuu dembi galay.

Cadaadiska saaran mas’uulkan ayaa cirka isku shareeray toddobaadkan kadib markii shirkadaha caalamiga ah ee la shaqeeya DP World ay hakiyeen heshiisyo cusub, iyagoo dalbaday in shirkaddu qaaddo “tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.”

Waxaa ka mid ah, Sanduuqa hawlgabka ee labaad ee ugu weyn Canada (La Caisse), oo ay DP World wadaagaan maalgashi gaaraya $5 bilyan, kaasi oo sheegay inay hakiyeen dhaqaale cusub oo ay gelin lahaayeen shirkadda.

Sidoo kale, British International Investment, oo maalgashi ku leh afar dekedood oo Afrika ku yaalla, oo ay ku Berbera ku jirto, ayaa iyaduna hakisay mashaariic cusub.

Saameynta iyo dhaxalka Bin Sulayem

Bayaanka rasmiga ah ee DP World laguma xusin magaca Bin Sulayem, balse shirkadda waxay sheegtay in magacaabista cusub ay taageerayso istiraatiijiyadda kobaca iyo xoojinta silsiladaha saadka ee caalamiga ah.

Suldaan Axmed Bin Sulayem waxa uu ahaa mid ka mid ah tiirarka ganacsiga ee Dubai, isagoo kasoo jeeda qoys caan ah oo xiriir dhow la leh qoyska xukuma Imaaraadka ee Al Maktoum. Aabihii ayaa ahaa la-taliye sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada.

Waxa uu door weyn ka ciyaaray dhismaha Dekedda Jebel Ali oo noqotay xarun ganacsi oo caalami ah, iyo ballaarinta DP World oo maanta gacanta ku haysa ku dhowaad 10% ganacsiga konteenarada adduunka, isagoo shirkadda ka dhigay boqortooyo dhanka saadka ah (Logistics empire).

Waxa uu sidoo kale horey usoo hoggaamiyay shirkadda dhismaha ee Nakheel Properties, balse xilkaas ayaa laga qaaday xilligii qalalaasaha dhaqaale ee 2008 markii dib-u-habeyn lagu sameeyay deymihii lagu lahaa Dubai World.

https://gulfnews.com/business/dp-world-names-new-chairman-group-ceo-1.500442290