Madaxwaynaha Isra oo layaabay qasaaraha weerarka iiraan ay kusooqaaday

65

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ayaa maanta booqday goobo ku yaalla gudaha Israa’iil oo la sheegay inay waxyeello ka soo gaartay gantaallo ay soo rideen Iran. Booqashadiisa ayaa timid xilli xaalad amni oo kacsan ay ka jirto dalka, kaddib weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsaday magaalooyin kala duwan.

Isagoo la hadlayay warbaahinta goobaha burburku ka muuqdo, Madaxweyne Herzog ayaa sheegay in Israa’iil ay wajaheyso “xaalad masiibo ah,” wuxuuna tilmaamay in muuqaalka burburka iyo khasaaraha ka dhashay weerarrada ay yihiin kuwo naxdin leh. Hadalkiisa ayuu ku adkeeyay in waxa dhacay ay si cad u muujinayaan heerka colaadeed ee ka dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan, isagoo ku sifeeyay cadowgooda mid “daran oo naxariis daran.”

Goobaha uu booqday Madaxweynaha ayaa la sheegay inay ku jiraan dhismayaal rayid ah oo ay ku nool yihiin dad shacab ah, kuwaas oo ay saameeyeen gantaallada. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, inkastoo tirooyin rasmi ah oo dhammeystiran aan weli si cad loo shaacin.

Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iiraan ayaa mar horeba ahayd mid kacsan, balse dhacdooyinkan cusub ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in colaaddaasi isu beddesho mid furan oo ballaaran, taasoo saameyn ku yeelan karta guud ahaan gobolka Bariga Dhexe iyo xasilloonida caalamka.