Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Islaan Ciise oo yeeshay wada-hadallo xasaasi ah.

8

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimada dhaqanka Puntland, iyagoo ka wada-hadlay duqeyn dhawaan ka dhacday xeebaha gobolka Nugaal.

mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia, kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray duqeyntii la sheegay inay ciidamada Turkigu ka geysteen xeebaha Garmaal iyo Jiifle, halkaas oo ay ku dhinteen 13 qof.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Islaan Ciise uu dowladda federaalka ka codsaday inay door muuqda ka qaadato sidii caddaalad loogu heli lahaa ehellada dadka ku dhintay duqeynta, isla markaana loo xaqiijin lahaa xaqiiqada dhacdada.

Dhanka kale, maamulka Puntland ayaa hore u sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay ahaayeen kalluumeysato, isaga oo dowladda Turkiga ku eedeeyay inay duqeynta ku beegsatay dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn falal amni-darro.

Hase yeeshee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka aragti duwan maamulka Puntland, iyadoo sheegtay in dadka la dilay ay ahaayeen burcad-badeed. Dowladda Turkiga, dhankeeda, weli si rasmi ah ugama hadlin eedeymaha iyo wararka la xiriira dhacdadaasi.

Kulanka madaxweynaha iyo Islaan Ciise ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin su’aalo ku saabsan cidda ay ahaayeen dadka lagu dilay xeebaha Nugaal iyo duruufihii ku xeernaa duqeynta, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ay qabaan Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.