
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Sida ay sheegayaan wararka, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Jowhar kulamo gaar gaar ah la yeelan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Hirshabeelle, iyadoo booqashadiisa ay ku soo beegmeyso xilli la qorsheynayo in 20-ka bishan June ay ka dhacaan deegaannada maamulkaasi doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu u kuurgalo xaaladda guud ee deegaanka, isla markaana xarigga ka jaro mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar.
Booqashada Madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ay ku xoojinayso hannaanka dimuqraadiyeynta, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee dowlad goboleedyada dalka.



















