Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u safraya Mareykanka

50

Sida aan maalin ka hor halkaan idinku soo gudbinay in Madaweynaha Somaliya Xasan Sheekh dhawaan ka qeybgalayo shirka Golaha Amaanka QM islamarkaana uu shir gudoomin doono ayaa xogaha aan heleyno waxay sheegayaan inuu saaka safrayo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka arimaha dibada.

Soomaaliya oo bishan Janaayo haysa xilka madaxtinimada shir gudoonka Golaha Amaanka QM oo wareegto ah ayaa lagu wadaa in Somalia ka faa’ideysato inta ay xilkaan hayaan madaama mowjado siyaasadeed ay ku furan yihiin sida weerarka nooga yimid Yuhuuda oo ay ku doonayaan inay dalkeena kala qeybiyaan.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu fursadaha ugu badan kaga faa’ideyso kulan doceeyda inta uiu joogo New York uu la qaadan doono Madaxda Caalamka ee isugu tageysa Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC).

Socaalka Madaxweyne Xasan oo qaadan doona ku dhawaad mudo asbuuc ah ayaa dhanka kale waxay u noqon doontaa taariikh isaga u gaar ah madaama uu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo shir gudoomiyaha shirarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobe.