
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu booqasho ku tego magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay haatan ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa warbaahinta Wardoon.net usheegay in Madaxweynuhuu bixi doono maalinta Khamiista ah ee soo socoto, isaga oo ka qayb-gelaya xafladda caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo lagu qabanayo Laascaanood.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda ay Muqdisho ka bixi doonaan wafdi horudhac ah safarka Madaxweynaha, si ay qayb uga noqdaan qaban qaabada soo dhaweyntiisa, ugana shaqeeyaan howlaha amniga.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo qaar kamid golihiisa wasiirrada ayaa tegi doono halkaasi, waxaana la qorsheeyay in shirka golaha wasiirrada uu Khamiista ka dhaco magaalada Laasacaanood.
Waxaa kale oo tegi doono caleema saarka Firdhiye qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada Soomaaliya oo iyagana lagu casuumay munaasaabadda oo dib uga dhacday xilligeeda, kadib culeysyo yimid dartood.
Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo markii hore KMG ahaa ayaa mar kale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha, kadib doorasho sanadkii hore ka dhacday Laascaanood, taas oo lagu dhammeystiray maamulkan oo aqoonsi buuxa ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.
Ninkan ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna horay ugu biiray Xisbiga uu dhisay Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP, isagoo taageeradaas ku caana maalay, maadaama uu mar kale ku guuleystay inuu sii hogaamiyo maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Si kastaba, safarka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ee Laascaanood ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay isku dhacsan yihiin dowladda federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.



















