
Askarta dalka Benin ee galbeedka Afrika ayaa TV-ga qaranka kaga dhawaaqay inay xilka ka tuureen madaxweyne Patrice Talon, isla markaana ay xukunka la wareegeen.
Farriin ka soo baxday safaaradda Faransiiska ee Benin ayaa lagu sheegay in rasaas laga maqlay agagaarka guriga madaxweynaha.
Ciidamada ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la laalay dastuurka, lana xiray dhammaan xuduudaha dhulka iyo hawada dalka.
Sida lagu sheegay bayaankooda, Gaashaanle Dhexe Tigri Pascal ayaa hogaamin doona golaha kala guurka ee militariga.
Talon, oo 67 jir ah, ayaa lagu waday in uu xilka ka dago sanadka soo socda ka dib markii uu dhameystay markii labaad ee xafiiska.




















