Madaxweynihii hore ee Fransiiska oo laxiray

57

Maxkamad kutaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Madaxweynihii hore ee dalkaasi Nicolas Sarkozy oo lagu helay dembi la xariira in lacag laaluush ah ka helay hoggaamiye Carbeed.

Nicolas Sarkozy, ayaa maxkamadda kiiskiisa gacanta ku heysay ugu dambeyn ku riday shan sano oo xabsi ah, waxa ayna maxkamadda ku heshay Sarkozy in lacag badan uu ku maalgeliyiyay ololihiisa doorashada ka helay Madaxweynihii hore ee Liibiya Muamar Qadaafi.

Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy, ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay oo Faransiis ah oo xabsi lagu xukumo misana gala, waxaana la sheegay in Nicolas Sarkozy racfaan ka qaatay xukunka xabsiga ah ee lagu riday.

Nicolas Sarkozy, ayaana looga diyaariyay xabsiga uu ku xirnaan doono ee La Santé, qol qiyaastii lagu qiyaasay 9 sq m (95 sq ft). Waxa uuna Madaxweyne hore Sarkzy macsalaameeyay taageerayaashiisa isaga oo ka dalbaday garab istaag.