Maraykanka oo shaaciyay qorshihiisa dagaalka ee Iran

65

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa sheegay in Mareykanku uusan geli doonin dagaal sii jiitama sannado badan, isaga oo xusay in ujeeddada maamulka ay tahay mid si cad loo qeexay.

Wareysi uu siiyay Fox News, Vance wuxuu sheegay in madaxweynuhu leeyahay hal himilo oo muhiim ah: in la hubiyo in Iiraan “aysan waligeed yeelan karin hub nukliyeer.”

“Go’aanka madaxweynuhu ma ahayn oo keliya inuu ka hortago in Iiraan hesho hub nukliyeer inta lagu jiro saddexda ama afarta sano ee hore ee muddadiisa labaad,” ayuu yiri Vance. “Wuxuu doonayaa in la xaqiijiyo in Iiraan aanay weligeed yeelan karin hub nukliyeer, taasina waxay u baahan tahay isbeddel asaasi ah oo ku yimaadda fikirka iyo jihada nidaamka Iiraan.”

Vance ayaa ku adkeystay in Mareykanku uusan ku lug yeelan doonin dagaal daba dheeraada. “Ma jirto si Donald Trump uu ugu oggolaanayo in dalkani galo dagaal soconaya sannado badan,” ayuu yiri. “Mana geli doonno dhibaatooyinkii iyo waayo-aragnimadii adkaa ee aan kala kulannay Iraq iyo Afghanistan.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in xarumaha nukliyeerka ee Iiraan aan loo dhisin oo keliya ujeeddooyin rayid ah sida tamar ama cilmi-baaris, balse ay ujeeddadoodu tahay horumarinta hub nukliyeer — arrin uu ku tilmaamay mid khatar ku ah amniga caalamka.

Hadallada Vance ayaa muujinaya mowqif adag oo ka dhan ah barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyadoo maamulka Mareykanku doonayo in uu muujiyo in tallaabo kasta oo la qaado ay noqon doonto mid xaddidan oo leh yool cayiman, kana fog dagaal furan oo muddo dheer socda.