Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabateyn ku soo rogay khabiiradda Qaramada Midoobay Francesca Albanese, sababo la xiriira warbixinteeda ku saabsan xadgudubyada Israel ay u geysatay Falastiiniyiinta intii uu socday dagaalka Gaza.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay cunaqabateynta arbacadii, isagoo ku eedeeyay Albanese inay wado “olole dagaal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah Mareykanka iyo Israa’iil”.
Albanese, oo ahayd khabiirka baaritaanka iyo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dhulka la haysto ee Falastiin, ayaa hormuud u ahayd cododka caalamiga ah oo ku baaqaya tallaabo lagu soo afjarayo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Israa’iil geysato.
Israa’iil iyo taageerayaasheeda ayaa muddo dheer weerar siyaasadeed ku hayey Ms.Albanese, waxayna ku baaqayeen in laga qaado jagada Qaramada Midoobay sanado badan.
Albanese waxay u muuqatay inay meesha ka saartay cunaqabataynta Mareykanka, iyadoo sheegtay inay diiradda saareyso sii wadida shaqadeeda.
“Ma mudna wax jawaab ah farsamooyinkan cabsi-gelinta ee qaabka maafiyada ah,” khabiirka Qaramada Midoobay ayaa ku qortay fariin qoraal ah. “Waxaan ku mashquulsanahay xasuusinta dawladaha xubnaha ka ah UNta waajibaadkooda ah inay joojiyaan oo ay ciqaabaan xasuuqa iyo kuwa ka faa’iidaysta.”
Horaantii Arbacadii, waxay ku cambaareysay dawladaha Yurub inay u ogolaadeen Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu – oo ay raadinayso Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee kiiska dambiyada dagaal ee Gaza – inuu isticmaalo hawadooda marka uu safrayo.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donalnd Trump ayaa sidoo kale bishii Febraayo cunaqabateyn kusoo rogay saraakiisha sar sare ee Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC , kuwaa oo ku lug yeeshay “dacwadaha” ka dhanka ah Israel.