
Mareykanka ayaa diiday codsi rasmi ah oo Israel ay ku dooneysay in lagu siiyo fursad ay ku eegto faahfaahinta is-afgarad cusub oo dhexmaray Tehran iyo Washington, sida ay weriyeen warbaahinta Israel.
Warbixinno ay baahiyeen Channel 12 iyo i24 ayaa sheegay in Tel Aviv ay Washington u gudbisay codsi rasmi ah oo ay ku dalbaneysay in loo oggolaado “dib-u-eegis” lagu sameeyo MoU-ga cusub ee Mareykanka iyo Iran, balse maamulka Mareykanka uu arrintaas ka hor istaagay.
Sida uu sheegay weriyaha Channel 12 ee Yaron Avraham, Israel weli si buuxda uma oga qodobbada ku jira is-afgaradka, inkastoo heshiiska uu si toos ah u saameynayo xisaabta amni ee Tel Aviv, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Iran iyo kooxaha ay Tehran taageerto ee gobolka.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii shir jaraa’id ka sheegay in uusan si buuxda u hubin faahfaahinta heshiiska cusub, taas oo muujineysa heerka kala fogaanshaha ka dhex muuqda Washington iyo Tel Aviv xilli Mareykanku isku dayayo inuu soo afjaro xiisadda Iran.
“Ma hubo faahfaahinta,” ayuu Netanyahu yiri, isaga oo ka hadlayay is-afgaradka cusub ee Iran iyo Mareykanka.
Warbaahinta Cibraaniga ayaa sheegtay in madaxda Israel ay ka dhex jirto caro iyo niyad-jab xooggan oo ku saabsan heshiiska, iyadoo qaar ka mid ah saraakiisha Tel Aviv ay u arkaan tallaabo Mareykanku qaaday iyada oo aan si buuxda loola tashan Israel.
Telefishinka i24 ayaa is-afgaradka ku tilmaamay “ceeb,” gaar ahaan qodobka la xiriira ka bixitaanka Lebanon iyo joojinta weerarrada lagu hayo dalkaas.
Qodobkaas ayaa u muuqda mid si weyn uga caraysiiyay Israel, maadaama Tel Aviv ay muddooyinkii dambe kordhisay weerarrada ay ka fulineyso gudaha Lebanon, iyadoo ku doodaysa inay beegsaneyso xarumo iyo dagaalyahanno xiriir la leh Hezbollah.
Sarkaal la hadlay warbaahinta Israel ayaa sheegay in heshiiska ay u badan tahay inuu fashilmo, isagoo intaas ku daray in weerarro kale oo Israel ay ku qaaddo xarumaha nukliyeerka iyo gantaallada Iran ay yihiin “arrin waqti uun ku xiran.”
Hadalkaas ayaa muujinaya in Israel aysan u muuqan mid diyaar u ah inay si buuxda u aqbasho jihada diblomaasiyadeed ee Washington, gaar ahaan haddii ay u aragto in heshiiska uu xaddidayo awooddeeda militari ama uu fursad siinayo Iran.
Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii taliyaha ciidamada cirka Israel, Omer Tischler, uu Talaadadii xaqiijiyay in Israel ay toddobaadkii hore baajisay duqeymo ballaaran oo ay qorsheyneysay inay ka fuliso gudaha Iran.
“Weerarka waxaa la joojiyay annaga oo weli ku jirna warbixintii ugu dambeysay ee cutubyada duulimaadka, saacad kaliya ka hor intii aysan diyaaradaha kicin,” ayuu yiri Tischler.
Hadalkan ayaa daaha ka rogay in Israel ay ku dhoweyd inay qaaddo weerar kale oo culus oo gudaha Iran ah, balse la hakiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay. Lama caddeyn sababta rasmiga ah ee keentay joojinta howlgalkaas, balse wuxuu kusoo beegmay xilli Washington ay riixeysay is-afgaradka cusub ee Tehran.
Israel ayaa dhanka kale u sheegtay Mareykanka inaysan ku xirneyn heshiiska cusub ee lala galay Iran.
“Heshiiska Iran waxaa sameeyay Trump, waana go’aankiisa; annagu waxaan leenahay danaheena,” ayuu Netanyahu ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay 15-kii June.
Wuxuu intaas ku daray in dagaalka ka dhanka ah Iran “uusan dhammaan.”
Hadalka Netanyahu ayaa si cad u muujiyay in Israel ay dooneyso inay sii haysato xorriyadda ay u aragto mid militari, xitaa haddii Washington ay door bideyso in dagaalka lagu beddelo waddo diblomaasiyadeed.




















