
Kadib Turkiga, dalka Masar ayaa sidoo kale u diraya Soomaaliya , qalab milatari oo la sheegay inay adeegsanayaan ciidanka Masar ee qeybta ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya .
Warbaahinta xiriirka la leh sirdoonka Masar ee al-Qahera news ayaa ku warrantay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeybgalay dhoolatus ay sameeyeen ciidanka Masar ay u dirayso Soomaaliya oo ku hubaysan intii uu booqashada ku joogay dalkaas maalmo ka hor.
Mi-24 – Kuwani waa diyaaraddo qumaati u kaca oo dagaal oo si gaar ah loogu talagalay weerarka. Waxay qaadi karaan gantaallo iyo rasaas culus, waxaana loo adeegsadaa in lagu weeraro bartilmaameedyada dhulka, isla markaana lagu taageero ciidamada dhulka jooga.
Mi-17 – waa diyaaraddo kale oo qumaati u kacaanka oo xamuul iyo ciidamo qaada. Waxaa loo isticmaalaa in lagu daabulo askarta, qalabka, ama lagu sameeyo daad-gureyn degdeg ah. Mararka qaar waxaa lagu rakibi karaa hub difaac ah.
AT-802 – Waa diyaarado fudud oo loo adeegsado weerarro kooban iyo kormeer hawada ah. Waxay awood u leeyihiin inay dusha ka ilaaliyaan goobaha hawlgalku ka socdo, isla markaana bixiyaan xog iyo taageero marka loo baahdo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidanka Masar ay u soo dirayso Soomaaliya ay ku hubeysanyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , kuwaas oo loo isticmaalo kormeer, ururinta xogta, iyo mararka qaar weerarro bartilmaameed ah iyo gantaallo culus oo burburin kara difaaca la dhiso dhulka hoose, nidaamyo ka hortagga weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay hadda billaabeen inay adeegsadaan AS iyo hub kale oo weerar.
Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay afar (4) diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaas oo loogu talagalay in ay ka qeyb qaataan howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay iskaashi amni iyo mid difaac oo sii xoogeysanaya, kaas oo u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho, si loo xoojiyo la-dagaallanka waxa ay ku tilmaameen “khawaarijta Al-Shabaab” oo muddo dheer dhibaato amni ku haysay Soomaaliya.





















